Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu dambeyn magacaabay Ra'iisul-wasaare
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ayaa ugu dambeyntii maanta magacaabay ra'iisul-wasaarihii muddada laga sugayey, ayadoona mas'uulka uu soo magacaabay uu noqday mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).
Ra'iisul wasaaraha uu madaxweynuhu soo magacaabay mudane Cabdi Faarax (Saacid) ayaa ah nin ganacsade ah oo wixii ka dambeeyey dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay horraantii sagaashameeyadii deganaa magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magacaabista ra'iisul-wasaaraha kaga dhawaaqay munaasabad aad loo soo agaasimay, oo ayna ka qaybgaleen mas'uuliyiin uu ka mid ahaa guddoomiyaha barlamaanka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo ku-xigeennadiisa, qaar ka mid ah xubnaha barlamaanka iyo mas'uuliyiintii xukuumaddii hore oo uu ka mid ahaa ra'iisul wasaarihii hore mudan Cabdiweli Maxamed Cali iyo golihiisii wasiirrada, waxgarad, ururrada bulshada iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka.
Ra'iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa soo dhoweeyey magacaabistiisa, sheegayna inuu aad ugu faraxsan yahay xilka loo magacaabay uuna dhowaan soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo dalka nabad kusoo dabaasha, si weyna ula dagaallami doonta musuq-maasuqa.
Add New Comment
|
|
|