Magacaabista ra'iisul-wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo soo dhowaatay


Xarunta Madaxtooyada Jamhuuriyadda (Villa Somalia) ayaa waxaa ka socda dayaargarowgii u dambeeyey ee lagu soo magacaabayo mas'uulka qaban doona xilka Wasiirka Koowaad ee Xukuumada Soomaaliya, kaasoo lagu wado in madaxweynuhu uu maanta ku dhawaaqo. 

Sida ay sheegayaan warar hordhac ah oo aan rasmi ahayn oo laga helay ilo ku dhowdhow  Madaxtooyada Qaranka ayaa waxa ay caddeynayaan in madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ugu dambeyn qaatay go'aanka uu ku soo magacaabayo ra'iisul-wasaaraha cusub ee Soomaaliya uu maanta gelinka dambe ku dhawaaqi doono.

Ayadoo saadaalinta shaqsiga loo magacaabi doono ra'iisul-wasaaraha maalmihii u dambeeyey ay aad isu bedbedeleysay ayaa waxa hadda hadalheynta ugu badani tilmaameysaa in Saacid Faarax Garaad uu noqon doono mas'uulka xilkaasi qaban doona.

Saacid Faarax Garaad ayaa ah siyaasi kasoo jeeda gobolka Gedo ee koonfur-galbeed Soomaaliya, hase ahaatee weli waxa jira rag kale oo ayagana uusan magacoodu weli suuqa ka wada bixin oo dad badani ay rajo ka qabaan, sidoo kalena waxa jira gobollo iyo maamullo kale oo Soomaaliyeed oo aan ayaguna weli ka rajo dhigin in ra'iisul-wasaaraha cusub dhinacooda laga soo magacaabo.

Si kastaba ha ahaatee waxaa cad in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si taxadir leh waqti ugu bixiyey soo xulashada shaqsiga u qalma in uu noqdo ra'iisul-wasaaraha soo socda ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, uuna saacadaha soo socda si rasmi ah ugu dhawaaqi doono.


Add New Comment