Dowlada Mareykanka oo Xaqiijisay In Ciidamadeda Kumandoska ay Fuliyeen Howlgalkii Baraawe


Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in ciidamada kumandooska ee qaaska ah ay fuliyeen weerarkii habeen hore lagu qaaday degmada Baraawe ee gobolka Shabeelada Hoose.

Ciidamada kumandoska ayaa fuliyay howlagalkaasi oo lagu bartilmaameedsanayay nin aan magaciisa la shaacin oo ka tirsan kooxda argagaxisada ah ee Alqaacida oo loo maleeynayo in uu ka qeyb qaatay weerarkii 21kii bishii hore lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate Mall ee magaalada Nairobi.

Xohayaha arrimaha dibadda ee dalka marrykanka John Kerry oo shirka wadamada Asia kaga qeyb galay dalka Indonesiya ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalada ay ciidamada maraykanka ay ka sameeyeen Libya iyo Soomaaliya ay muujineeyso in dowlada mareykanka aysan marnaba joojin doonin dadaalkeeda ah in lala xisaabtamo kooxaha ku lugta leh weerarada argagixiso.

Kerry ayaa tilmaamayin kooxaha weerar danaha mareykanka ay carari karaan laakiin aysan is qarin karin.

Afhayeenka Pentagon ka Mareykanka George Little  ayaa sheegay in lagu bartilmaameedsanayay sarkaal sare oo ka tirsan ururka Alqaacida waxa uuna sheegay ineysan wax qasaare ah oo ka soo gaaray ciidamadooda hase ahaatee uu bartilmaameedku ahaa mid ka mid ah horjoogayaasha Alqaacida oo degmadaasi ku dhuumaaleysanayay.

Habeen hore ayaa saqdii dhexe waxaa dagaal xoog leh uu ku dhexmaray guri ku yaala degmada baraawe ee gobolka Shabeelada Hoose ciidamo ka soo degay dhanka xeebta iyo maleeshiyo katirsan alshabaab oo ilaalo ka ahaa hoygaasi halkaasoo la rumeysanyahay inay ku jireen rag ajaanib ah oo Alqaacida xiriir la leh iyadoo ilaa hadda aan la xaqiijin in la dilay ninkii bartilmaameedku ahaa iyo in kale.

Ciidamada Kumandooska mareykanka ayaa sidoo kale howlgal ay sameeyeen dalka Libya waxa ay ku soo qabteen Nazih Abdul-Hamed al-Ruqai oo loo yaqaano Anas al-Liby oo loo haysto in uu ka qeyb qaatay weeraradii argagixiso oo sanadkii 1998dii lagu qaaday safaaradihii ay dowlada maraykanka ku lahayd dalalka Kenya iyo Tanzaniya.

Saraakiil ka tirsan dowlada mareykanka ayaa sheegay in ciidamada qaaska ah howlgal ay shalay ka sameeyeen magaalada Tripoli ee caasimada dalka Libya lagu soo qabtay Anas al-Liby oo si aad ah loo raadinayay

Afhayeenka Alshabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in weerar culus lagu soo qaaday degmada Baraawe hase yeeshee ay iska caabiyeenm isagoo xusay in mid ka mid ah maleeshiyadooda uu ku qurbaxay guriga lagu dagaalamay.


Add New Comment