Qaar ka mid ah dhaawacyadii qaraxii Muqdisho oo dalka Turkiga loo qaaday


Turkishair.jpgDiyaaradda Turkish Airline ah oo maanta barqadii kasoo degtay gegida dayaaradaha Muqdisho ayaa qaaday 50 qof oo ah dadkii uu dhaawacii ugu cuslaa ka soo gaaray qaraxii lala beegsaday xarun ay wasaarado dhowr ah ku lahaayeen magaalada Muqdisho maalinimadii talaadada.

Dhaawacyada maanta la qaaday ayaa waxay u badnaayeen dhalliyaro goobta uu qaraxu ka dhacay oo ay wasaaradda waxbarashada Dowladda KMG wax ka degganeyd u yimid si ay u soo eegtaan natiijada imtixaan ay u galeen deeq waxbarasho oo ay u tegi lahaayeen dalka Turkiga.

Dalka Turkiga ayaa noqday dalkii ugu horreeyey ee si rasmi ah uga jawaaba codsigii madaxda Soomaaliya ee ku aaddanaa in loosoo gurmado dadkii ku dhaawacmay qaraxyada ee aan daaweeyntooda aan waxba looga qaban karin cusbitaalada dalka.

Gurmadka Turkiga ee dhaawacyadan iyo abaarahaba ayaa waxa  quluubta dadka Soomaaliyeed uu ku reebay dareen wanaagsan oo ay u hayaan shacabka iyo dowladda Turkiga, ayadoona uu dhowaan magaalada Muqdisho soo booqday ra'iisul-wasaaraha 'Turkiga Mr. Racepp Tayyib Erdogaan oo shacabka Soomaaliyeed u ballan qaaday gargaar iyo maalgelin dib loogu dhiso dalkooda.


Add New Comment