Ciidamo Al-Shabaab ah oo ka soo Jeeda Gobolada Bay iyo Bakool oo wata Gaadiid dagaal oo ka Baxsaday Magaalada Baladweyne


(War degdeg ah) Wararka naga soo gaaraya magaalada B/Weyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay halkaasi ka baxeen ilaa saddex tiniko ah iyo maleeshiyooyin gaaraya ilaa 100-ruux, kuwaasi oo ka tirsanaa maleeshiyooyinka xarakada Al-Shabaab ee iyagu ku sugan magaalada B/Weyne ayaa xalay u goostay dhinaca gobolka Bakool, halkaasi oo ay ka soo jeedaan. 
 
Sida uu sheegayo mid ka mid ah dadka degan gudaha magaalada B/Weyne ayaa sheegaya in xalay dhaqdhaqaaqyo ciidan ay ka jireen gudaha magaalada B/Weyne kaddib markii ay halkaasi faarujiyeen kolonyo ka tirsan maleeshiyada ka yimid dhinaca gobolada Bay iyo Bakool, waxaana madaxa Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan uu sheegay inay iyagu adkeyn doonaan ammaanka magaalada B/Weyne.
 
Wararku waxay intaasi ku darayaan in maleeshiyada ka soo jeeda Digil iyo Mirifle ay gaareen degaanno ka tirsan gobolka Bakool isla xalay habeenimadii xalay goor dambe, kuwaasi oo ku biiray maleeshiyada degaanka ee ka tirsan xarakada Al-Shabaab, iyadoo saraakiisha hoggaamineysa ciidamadaasina ay kulamo la yeesheen madax ka tirsan Al-Shabaab iyo qeybaha bulshada Bay iyo Bakool.
 
Goosashada ciidamada Digil iyo Mirifle ee ku sugnaa magaalada B/Weyne ee gobolka Hiiraan ayaa ku soo beegmeysa xilli magaaladaasi ay kaabiga ku soo hayaan ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah, iyadoo maalmihii la soo dhaafay guud ahaan gobolka Hiiraan iyo degaannada dhinaca xuduuda dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka jireen abaabullo la doonayo in kooxda Al-Shabaab looga siibo gobolka Hiiraan.

Add New Comment