Somaliland oo shaqadii Telefishanka universalTV si lama filaan ah uga joojisay deegaanada ay xukunto



Agaasimaha guud ee Telefishanka UNIVERSAL Eng. Axmed Abubakar oo u waramay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay  go’aanka ay xukuumaddu Soomaaliland ku xayirtay shaqadii Telefishanka iney ku noqotay mid kedis  iyo la yaab ah.


 Agaasimaha waxa la waydiiyay sababta ay xukuumadda Somaliland u cuskatay go’aankeeda, wuxuuna ku jawaabay sida la leeyahay Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa maamulka Telefishanku universal mar uu lasoo xariiray ayey telefoonka ka qaban wayeen,sidaasi darteed dowladdiisa waxay go'aansadeen in la mamnuuco shaqada Taleefishinka uu ka qabto Soomaaliland.
 Agaasimaha Universal TV waxa uu yiri Wsiirka waa qurbo-joog, wuuna ogyahay in uu jiro hab loo maro cabashada, Telefishanku waa mid wayn, waxa uu leeyahay xafiis maamul oo Somaliland ka furan , Xafiiskaasuna Teleefoon iyo E-mails ayuu leeyahay wax  cabasho rasmi ah oo soo gaadhayna ma jirto ,
 waxa uu sii raaciyey hadalkiisa  qof waliba waa caban karaa, cid kastaana way soo garaaci kartaa telefoonkayaga, laakiin haddii ay na soo gaadhi lahayd cabasho, anagaaba wici lahayn Wasiirka.
 
 
Agaasimaha UniversalTv, waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday , Runtii, waxaanu joognaa waqti la  horumaray, dadka xilalka u haya Somaliland, Puntland ama Koonfurtaba waxay u badan yihiin dad qurbo-joog ah oo wax soo bartay, marmarsiiyo ma noqon karto in la yidhaahdo Teleefan ayaaga qaban waayay kadibna howshii telefishanka waan joojinay, waxay ahayd in Warqad cabasho  la geeyo Xafiiskayga ama nalala soo xidhiidho inta aan go'aanka shaqo joojinta lagu degdegin.

Add New Comment