Mahiga: Wax walba oo dhaca dowladda ayaa hoggaamin doonta, xitaa arrinta Kismaayo
Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa
shir jaraa'id uu ku qabtay magaalada Nairobi kaga hadlay arrimo badan oo
siyaasada Soomaaliya ka mid ah, gaar ahaan Xaalada Kismaayo.
Mahiga
ayaa sheegay in wax walba oo dhaca ay doorkeeda hogaamined ay leedahay
dowladda Soomaaliya, isla markaana loogaga dambeeyo, isagoo xaalada
Kismaayo ee dhinaca qabaa'ilka ku sifeeyay midka ugu murugsan ee
Soomaaliya.
Shirkiisa jaraa'id ayaa waxaa uu ugu horeyn ku
bilaabay xaalada ammaan ee magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in
magaalada ay ammaankeeda soo hagaageyso, isla markaana dhawaqii rasaasta
ay bedeshay dhawaqa buruska.
"Howlaha dhismaha iyo dib u dhiska
waa mid si caadi ah ku socda, dhawaqa xabada waxaa bedelay buruska,
waxaa dhex socda magaalada saqdii dhexe dhalinyaro isugu jira ragg iyo
haween, goobaha ganacsiga waxay soo gaaraan saq dhexe"ayuu yiri Mahiga
oo sheegay in xaalada Muqdisho ay caadi ku soo noqotay.
Ergeyga
Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale sheegay in Soomaalida ay is bedel la
taaban karo oo dhinaca siyaasada ka jiro, isagoo xusay in waxyaabaha
haatan horyaala dowladda cusub ay tahay ammaanka iyo xasilinta Gobolada
iyo sidii adeegyada aas aasiga looga hirgelin lahaa gobolada sida uu
yiri.
Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay leedahay doorka
hogaanka maamulka la sameynayo, isla markaana Kismaayo ay ka mid tahay
meela qabaa'ilka degaan.
"Wax walba dhaca waxaa hubaa in dowladda
Soomaaliya ay hogaamin doonto howlahaas ayna isku dayi doonto sidii
qeybaha kala duwan doorka ku leh uga qeybq aadan lahaa, Kismaayo kaliya
ma ahan deegaanka waxaa ka jira qaababka qabiil kuwa uga murugsan waxaa
dhici doonta wada tashi iyo wada xaajood, arrinta ay ka mira dhalin
doonto natiijooyin wax ka ool ah"ayuu yiri
Augustine Mahiga ayaa sheegay in magaalooyin badan oo laga saaro Al-SAhabaab ay horumar Soomaaliya gaartay ay tahay.
Magaalada
Kismaayo oo todobaadkan ay qabsadeen ciidamo wada socda oo Soomaali ah
iyo Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ayaa waxaa soo baxaya wal wal
laga qabo in dagaal dhinaca awooda ah uu ka dhaco, maadaama Ciidamada
kala socda ee dowladda iyo Raaskambooni ay yihiin kuwo aan isku hadaf
aheyn.
Add New Comment
|
|
|