Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya oo ka tacsiyeeyey musiibadii ka dhacday xeebaha Lampedusa


Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta dhambaal tacsiyadeed hawada u mariyey eheladii ay ka geeriyoodeen dadkii Soomaaliyeed ee ku haligmay musiibadii ka dhacday xeebaha jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga.

Guddoomiyaha barlamaanka mudane Jawaari oo ku hadlayey magaca xildhibaannada barlamaanka ayaa dadkaasi Soomaaliyeed ee shilkaasi ku geeriyooday Allaah uga baryey in uu ka waraabiyo janadii Fardowsa, eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeenna uu sabar iyo iimaan ka siiyo.

Guddoomiye Jawaari ayaa sidoo kale sheegay in aysan habbooneyn in ficillada noocaan oo kale ah iyo kuwo horey u dhacayba ay sii socdaan, dadka Soomaaliyeedna ugu baaqay in aysan naftooda ku hoggaamin khatar tan oo kale ah.

Ugu dambeynta guddoomiye Jawaari ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay in aysan ku fakerin oo keliya in ay tahriibaan si ay u gaaraan damacooda, balse ay ku fekeraan in ay yihiin mustaqbalkii dalka iyo madaxdii berrito hoggaamin lahayd dalka.



Add New Comment