Ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta gaarsiiyay isbitalka Beledweyne deeq daawo ah.
Taliyaha ciidamada Jabuuti ee ka howlgala magaalada Beledweyne koronayl Cusmaan Dubbad ayaa sheegay in deeqdan ay ugu tala-galeen isbitaalka oo ay arkeen baahi dhanka dawada ah oo ka jirta.
Wuxuu sheegay in deeqda ay qayb ka ahayd daawadii ciidanka loogu talagalay, isla markaana ay doonayaan inay garab istaagaan shacabka gobolka Hiiraan.
Gudgoomiyaha gobolka Hiiraan ee dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Laqanyo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada Jabuuti ay had iyo jeer taageero la garab taagan yihiin shacabka gobolka.
Dr. Xasan Cumar Siyaad oo ah dhaqtar ka howgala isbitalka Beledweyne ayaa uga mahad celiyay ciidamada deeqda ay soo gaarsiiyeen oo timid xilli ay baahi u qabeen.