Safaradii wadatashiga ee Madaxweynuhu ku bixiyey wadamada deriska ah oo soo dhammaaday


Madaxweynaha Dawladda KMG ah ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho kadib markii uu lasoo kulmay madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki iyo wakiilka xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay uga wakilka ah arrimaha dalka Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif iyo wakiilka xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay uga wakilka ah arrimaha Soomaaliya Augsustine P. Mahiga,waxay si toos ah uga wada  hadleen oo ay isku afgarteen qofka mudan in loo magacaabo ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Soomaaliya.
Waxa uu sidoo kale Madaxweynuhu arrintaasi kala hadlay qaar ka mid ah xildhibaannada iyo waxgaradka Soomaalida ku nool dalka Kenya caasimadisa Nairobi.

Dib ugu soo laabashada Madaxweynaha ayaa ku soo beegmeysa iyadoo ciidamada  Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM  maanta sheegeen inay qorshahoodu yahay maalmaha soo socda  qabsashada  suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn koonfurta dlak Soomaaliya,suuqaasoo waqtigani gacanta ay ku hayaan xoogagga hubeysan ee dowladda dagaalka kula jira.

Add New Comment