Sida ay xaqiijinayaan ilaha caafimaadka Muqdisho 79-ruux ayaa ku dhintay qarax lala beegsaday
dhismaha wakaaladdii hargaha iyo saamaha Soomaaliya oo ay daggan yihiin
dhowr wasaaradood oo ka tirsan kuwa dowladda KMG Soomaaliya, waxaana ku
dhaawacmay weerarkaas 100-qof oo kale.
Goobjoogayaal ayaa sheegay
in gaari nooca xamuulka ah lagu fuliyay qaraxa oo ahaa mid ismiidaamin
ah, iyadoo dadka ku dhintay ay u badan yihiin dhallinyaro ku sugnaa xarunta weerarka lagu qaaday arday fara badan kuwaasoo la sheegay inay fiirsanayeen natiijada imtixaanaadyo horay looga qaaday iyo kuwo kale oo la doonayay in imtixaanno laga qaado.
Qaraxa oo ahaa mid khasaare xooggan gaarsiiyay dhismayaasha ku dhow xarunta la weeraray, waxaana goobaha uu burburka u geystay ka mid ahaa Hotel Saxafi iyo sidoo kale hotel lagu magacaabo Kuraasa-cadde oo ku dhow isgoyska KM-4.
"Goobta la qarxiyay dhowr tallaabo ayay ii jirtay, waxaan arkay olol iyo qiiq cirka isku shareeray, markaas kaddibna waxaan maqlay qarax aad u xoog badan," ayuu yiri mid ka mid ah dadkii ka ag-dhawaa dhismaha la qarxiyay.
Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay inay ka dambeyso qaraxaas ismiidaaminta ah waxayna war kasoo baxay ku sheegeen inay weerarka la beegsadeen 150-qof oo ay sheegeen in tababar dhinaca sirdoonka ah loogu qaadi rabay dalka Suudaan.
Goobta weerarka lala beegsaday ayaa waxaa ku sugnaa wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda, kuwaasoo qaarkood ay gaareen dhaawacyo fudud, kaddib markii ay ku daateen muraayadaha xarunta oo dhalooyin ahaa.
"Maydad gubtay ayaan arkay, qaarkood waxaa markiiba lagu xiray
maryo cad-cad waxaana lasoo dhigay dibadda dhismaha," ayuu yiri ruux
goobjooge ah, isagoo inaa ku daray inuu arkay maydad gurbtay oo aan la garanayn cidda ay yihiin.
Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxaa ku jiray afar askari oo ilaalo ka haysay xarunta la weeraray iyo laba qof oo la socday gaariga fuliyay ismiidaaminta, iyadoo weerarkan uu gilgilay magaalada Muqdisho oo dhan.
"Baabuurka Qaraxa fuliyay wuxuu ahaa nooca xamuulka, waxaana dusha ka saarnaa fuustooyin iyo walxo kale, laba qofna way wateen. Gaarigu wuxuu isku dayay inuu soo galo xarunta dambi baarista booliiska CID-da, balse waxaan aniga iyo askari kale ku amarnay inuu goobta ka tago, markaasna wuxuu isku qarxiyay xarunta ay daganaayeen wasaaradaha dowladda," ayuu yiri askari ka mid ah ilaalada xarunta CID-da oo dhaawac fudud uu kasoo gaaray madaxa.
Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa xiray ciidamada dowladda, iyadoo halkaas ay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda gaareen, waxaana afhayeenka booliiska G/sare C/llaahi Xasan Bariis oo saxaafadda la hadlay ayaa qaraxa ku eedeeyay Al-shabaab.
Xarakada Al-shabaab ayaa markiiba Bayaan kasoo baxay xafiiskeeda warfaafinta lagu sheegay inay ka dambeyso qaraxii ismiidaaminta ahaa ee dadka badan ay ku dhinteen, iyagoo sheegay goobta weerarka lagu qaaday inay ku sugnaayeen wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Mas'uuliyiinta Al-shabaab waxay kaloo sheegeen inay gadaal ka faahfaahin doonaan inta ku dhimatay qaraxaasi.