Ciidamada Dowlada iyo Xizbul Islaam oo Dagaal fool ka fool ku dhexmaray fagaaraha Tarbuunka.



Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa Dagaal xoogan  xalay waqti dambe ay kusoo qaadeen xooggaga hubaysan ee mucaaradka agagaarka Isbitaalka Xoogga Dalaka oo saldhig cusub shalay ay ka sammeysteen  Ciidamada BRUNDI .


Waxaa uu maanta dagaalka ka socdaa xaafado ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir dhanka  Fagaaraha Tarbuunka , Barxadii Horseed, iyo KPP, waxaa sidoo kale dhanka African Village la sheegay in dagaal fool ka fool ah uu labada dhinac ku dhex marayo dad badanna ay ku xayirmeen guryahooda..
, waxaa isku haya ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya iyo xoogagga hubeysan oo kasoo horjeeda, ugu yaraan waxaa lasoo shagay in dhimashadu ay kor u dhaaftay ilaa 20 ruux, dhaawacuna 54 qof oo ay ku jiraan dhinacyada dagaallamaya.

Saraakiisha Dowladda ee dagaalka maanat hogaaminayay ayaa waxaa ay sheegeen in saaka goobo cusub oo hor leh laga saaray xoogaga hubbeysan ee Dowladaa ka soo horjeeda, waxayna ku hanjabeen in dagaalada ay sii soconayaan ilaa laga sifeeyo  dalka oo dhan kooxahaasi hubbeysan ee dowladda kusoo duulay.

Afhayeenka dhinaca howlgalada Ururka Xisbul Islaam,Sheekh Maxamed Cusmaan Caruus ayaa sheegay in ay qasaaro naf iyo gaadiidba leh  gaarsiiyeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada KMG ah isagoo caddeeyey  inay AMISOM ka gubeen laba gaari gaashaaman  iyo Taangi sidoo kale waxa uu sheegay inay  dileen ciidamo badan oo ka tirsan AMISOM iyo kuwa dowladda , meydadka qaarkoodna la sheegay in in lasoo dhigay isgooska Baar ubax ee magaalada Moqdishu .

Madaafiic lagu garaacay Suuqa Bakaaraha ayaa la sheegay in uu ka dhashay dab qaybta Bacadlaha ee suuqa, Dabkaasi waxa uu dambas ka dhigay Hanti badan oo shacab ay lahaayeen oo Suuqaasi lagu iibinaayay


Waxbixintii ugu dambaysay ee nga soo gaartay magaalada Muqdishu caawa waxay leedahay ,ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowaldda waxay joogaan Isbitaalka xooga ilaa Tarbuunka qeybtiisaa dambe e, halka  xoogaga Hubbaysan ee XIsnbul Islaam iyo Al Shabaab ay joogaan dhabarka dambe ee Tarabuunka ilaa guryaha Ruushaka iyagoo dufays ugu jira  warshada Caanaha, laba Ciidan  waxa kaliya oo u dhaxeeyo waa laamiga 21 ka Oktoobr.

 Culeyska cusub ee soo fuulay Xoogagga Hubeysan ee Mucaaradka iyo dagaalka seddexda beri ka socda  magalada Muqdishu oo looga gacan sarreeyay ciidamadadooda, ayaa  dhabar jab ku ah qorshahooda ahaa inay ka taqalusaan dowladda uu madaxda  u yahay Sheekh Shariif,si kasta ay ahaataba waqtiga soo socda ayaa ka jawaabi doona halka ay ku dambeeyo dagaalka ka socda magaalada madaxda dalka Soomaaliya  ee XAMAR CADDE

Add New Comment