Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kaddib safar maalin qaatay oo uu ku tegey dalka Turkiga.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intii uu ku sugnaa dalka Turkiga kulamo la qaatay Madaxweynaha iyo Ra’iisul-wasaaraha Turkiga, isla markaana khudbad taariikhi ah ka jeediyey xafladda sanadguurada 90aad ee markii la aasaasay Jamhuuriyadda Turkiga.
Madaxweynaha ayaa Madaxda Turkiga kala hadlay xiriirka qotoda dheer ee labada dal iyo sida uu ugu faraxsanyahay doorka hoggaamineed ee Turkigu ka qaateen arrimaha Soomaaliya iyo mashaariicda baaxadda leh ee ay ka fulinayaan Soomaaliya sida waxbarashada, caafimaadka, iyo dib u dhiska dalka. Madaxweynahu waxuu ku dhiiri geliyey in Turkiga ay hanteen kalsoonidii shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay shacabka Soomaaliyeed ka sugayaan inay sii kordhiyaan taageeradooda. Madaxda Turkiga ayaa sheegtay inay ka go’antahay taageerada iyo is-garab istaagooda.
Madaxweynaha ayaa ka qeybgalay xafladda 90 guurada markii la aasaasay Jamhuuriyadda Turkiga, isla markaana halkaas ka jeediyey khudbad taariikhi ah oo uu shacabka Turkiga ugu sheegay sida ay shacabka Soomaaliyeed ugu qanacsanyihiin taageerada Turkiga.
Madaxweynaha oo la socday diyaarada Turkish Airlines ayaa diyaaradda gudaheeda gacan qaaday shacabkii saarnaa isla markaana dhageystay tallooyinkooda.