Golaha Ammaanka ee QM oo maanta ka shiraya arrimaha Soomaaliya

 
UNSCM.jpgGolaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta isugu imanaya shirar gaar ah oo ay ka yeelan doonaan arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha ku saabsan kordhinta ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee ka howlgala gudaha dalka Soomaaliya iyo tayeynta ciidamada dowladda Soomaaliya.

Tayeynta ciidamada Soomaaliya ayaa ah arrin ay dowladda Soomaaliya aad u daneynayso, Qaramada Midoobayna ka dooneyso in ay bixiso dhammaanba tas'hiilaadka ay u baahan yihiin ciidanmada Soomaalida oo ay ka mid yihiin guud ahaan saadka oo ay ka mid yihiin shidaalka, daawada iyo adeegyada kale.

Fadhigan Golaha Ammaanka ayaa ku soo beegmaya xilli ay dhowaan Xarakada Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha dalka Soomaaliya u tallowday gudaha magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, taasoo soo jiidatay dareenka beesha caalamka ee ku aaddan sida weli ay u xooggan tahay awoodda dagaalyahannada xarakada.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyey xoog ku saareysay beesha caalamka in la tayeeyo ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed si ay kaalin weyn uga qaataan dagaalka Al-Shabaab lagaga saarayo goobaha ay weli kaga sugan yihiin gobollada Soomaaliya.

Add New Comment