Dagaal qaraar oo caawa fiidkii soo gaaray kaddib ayey Culimaa'udiinka Ahlu Sunna wal Jamaaca u suurtagashay inay dib ula wareegaan gacan ku-heynta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud oo ay goor hore oo galabta ah dagaal kula wareegeen ciidamo ka tirsan Xarakatul Shabaab.
Waqtiga oo habeen ah awgiis ayaa waxaan la ogaan karin qasaaraha ka dhashay dagaallada magaalada ku dhex maray labada dhinac oo isu adeegsaday hub culculus, hase ahaatee waxa lagu soo warramaya inuu jiro qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalka halkaasi ka dhacay galabta ayaa waxa uu yimid kaddib markii ciidamo ka tirsan Xarakatul Shabaab ay galabta weerar gaadmo ah kusoo qaadeen kuna qabsadeen magaalada oo ay horey ugu sugnaayeen ciidamada Ahlu Sunnah.
Ahlu Sunnah ayaa waxa ay heleen gurmad xooggan oo uga yimid degmada Guriceel iyo degaano kale oo ka tirsan gobolka Galgaduud, sidaas ayeyna ugu suurtagashay in Ahlu Sunnah dib ula wareegaan gacan ku-heynta magaalada, xoogaggii Xarakatul Shabaabna waxa lagu soo warramayaa inay dib ugu laabteen goobihii ay markii hore ka soo duuleen.
Ma aha markii ugu horreysay ee Xarakatul Shabaab ay soo weeraraan magaalada Dhuusamareeb, mana aha markii ugu horreysay ee Ahlu Sunnah ay dib u qabsadaan, waayoo dagaalyahannada labada dhinac ayaa waxa ay ku kala sugan yihiin goobo aan sidaas u sii kala fogeyn.