Madaxweyhana Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ka hadlay arrimo badan ayaa sheegay in
dowladda ay goor dhow ay dib u billaabi doonto howl galladii aragagixisada dalka
looga saari lahaa isagoo dhinaca kale sheegay in Hubka magaalada lala dhex maray
la jooji si aysan shacabka dhibaato u soo gaarin.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa
ka hadlay howllaha dowladda hor yaalla gaar ahaan arrimaha ammaanka waxa uuna
sheegay in dowladda uu saran yahay waajibaad weyn waqti kooban ee ay dowladda
haysato.
Madaxweyne Shariif ayaa tilmaamay in dowladda ay dajisay qorshayaal badan oo
wax looga qabanayo amniga dalka isagoo xusay in goor dhow ay dib u
billaabanayaan howl galladii dalka looga xureenayo Al-Qaacidda Al-Shabaab kaasi
oo lagu baahin doono gobollada dalka oo idil.
Mudane Sheekh Shariif ayaa soo haddal qaaday xaaladda ammaan ee dalka gaar
ahaan caasimadda wadanka ee Muqdisho waxa uuna sheegay in Hubka magaalada lala
dhex marayo in uu yahay mid dhibaato xooggan u geeysanaya shacabka iyo dowladda
islamarkaana uu horey dhaawac uga geytay dadka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa intaa raaciyay in aysan dowladda aqballi dooni arimahaasi
oo saraakiisha ciidamada looga baahan yahay in xaqiijiyaan ammaanka si shacabka
dhibaato aysan u soo gaarin.