WAR DEG-DEG AH dagaal haatan ka socda Dhuusamareeb


Wararka ka imanaya gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaalo xoogan ay haatan ka socdaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud kuwaasoo u dhexeeya ciidamada Ahlu Sunnah wal Jamaaca iyo kuwa Xarakatul Shabaab oo ayagu weeraray magaalada.

Dagaalkan oo ah mid aad u xooggan ayaa sida la sheegayo waxa uu hadda ka socdaa gudaha magaalada, kaddib markii ciidamo ka tirsan kuwa Xaraktul Shabaab oo aad u hubeysan ay weerar kedis ah kusoo qaadeen magaalada oo ay gacanta ku hayeen maamul ay leeyihiin ciidamada Ahlu Sunnah wal Jamaaca, waxana laysu adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan.

Weli si rasmi ah looma oga qasaaraha ka dhashay dagaalkaas oo weli socda, labada dhinac ee ay dirirtu u dhexeysana kama hadlin wax ku saabsan dagaalka.

Dagaallada labada dhinac ku dhex mara magaalada Dhuusamareeb iyo degaannada ku xeeran ayaa ah kuwo marar badan soo noqnoqday, ayadoo ay marar badan oo hore ay dhaceen dagaallo labada dhinac ay ugu loollamayaan gacan ku-heynta magaalada Dhuusamareeb iyo degaannada kale ee gobolka Galgaduud.

Wixii warar ah ee kasoo kordha xaaladda magaalada Dhuusamareeb kala socda shabakadda SilGor.com


Add New Comment