Saraakiil ka tirsan Dowladda iyo AMISOM oo ku sugan magaalada Gaalkacyo


Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini iyo saraakiil ka kala tirsan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ee maamullada Galmudug iyo Puntland.

Saraakiishan ciidamada Xoogga Dalka iyo AMISOM ayaa magaalada Gaalkacyo waxa ay kulan loogaga wada hadlay ammaanka gobolka kula yeesheen mas'uuliyiin ka tirsan maamullada Galmudug iyo Puntland ee ka kala jira koonfurta iyo waqooyiga magaalada.

Saraakiisha oo maalmahan booqasho howleed ku marayey degaannada maamulka Puntland, haatanna u soo gudbay maamulka Galmudug ayaa waxa ay u kuurgalayaan xaaladda amaan ee ka jirta labadaasi maamul iyo weliba in maamulladaasi ay kala hadlaan in ay soo diyaariyaan ciidamo dalka dibeddiisa loogu soo tababaro iyo iskaashi maamulladaasi ay la yeeshaan ciidamada dowladda.

Sidoo kale wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in ujeeddada booqashada wafdigani saraakiisha ah ay ku tageen magaalada Garoowe ay la xiriirto hubinta amaanka degmada oo dhowaan la filayo in lagu qabto wejigii labaad ee Shirkii wadatashiga ee dhowaan qaybtiisii hore ay ka dhacday magaala-madaxda Soomaaliya ee  Muqdisho.

Add New Comment