Liiska Magacyada Ardayda ku guuleysatay imtixaanka deeqda Waxbarasho ee dalalka Sudan iyo Yemen


Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa maanta shaacisay tirada ardaydii ku guuleysay imtixaanka  deeqda wax barasho ee dowladdu ka heshay wadamada Sudan iyo Yemen oo dowladda Soomaaliya ugu talo gashay ardeyda Soomaaliyeed in ay ka faa’iideestan .

Wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta sare oo shir jaraa’id  ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in 135 ka mid ah 291 arday oo imitixaanka fariisatay ay ku guuleesteen Imtixaanka ayna ka faa’iideysan doonaan deeqdaasi waxbarasho.

Wasiir Jingili ayaa sheegay in wafdi ka socda wasaaradda Hidaha iyo tacliinta sare ay dhowaan   aadi doonaan dalalka Sudan iyo Yemen si loo dedejiyo safarka ardeyda.

Mudane Cali Axmed  Jaamac Jengali ayaa erdaydaas  ugu hanbalyeeyey fursadda ay nasiibka u yeesheen, waxa uuna u rajeeyey in ay noqon doonaan kuwa dalka iyo dadka Soomaaliyeed wax u soo barta.

Sidoo kale mudane Cali Axmed Jaamac Jingali ayaa faahfaahin ka bixiyay deeq waxbarasho oo dowladda Turkiga ay Somalia u balan qaaday  isagoo tilmaamay in illaa iyo haatan aysan wax rasmi ah ka heyn deeqdaas, wuxuna wasiirku dhinaca kale sheegay in  arday sanadkii hore imtixaan  gashay  hase yeeshee aan la qaadin ay ku biiri doonaan ardayda wadamada Sudan iyo Yemen deeqaha waxbarsho u aadi doono sanadkaan.

Arday gaarysa 291 ayaa 23ki bishi hore Imtixaan u galay Deeqdan waxbarasho, waxaana ku guuleystay Imtixaanka 135 arday oo kala ah :
liiska 1.jpg
liiska 2.jpg
liiska 3.jpg
liiska 4.jpg

Add New Comment