Guddomiyaha Barlamaanka oo ummadda Soomaaliyeed ugu hambayeeyey Ciidul-Adxaa


Guddoomiyaha Barlamanka Federalka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa waxa uu hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciidul Adxaa Al-Mubaarak u diray  ummadda Soomaliyeed meel kastoo ay joogaan iyo ummadaha Islaamka ah ee caalamka.

Prof. Jawaari ayaa ummadda Soomaaliyeed Allaah uga rajeeyey in ay ciidaan ciideeda kale uu ku gaarsiiyo bash-bash, barwaaqo, nabadgelyo waarta iyo horumar, sidoo kalena guddoomiyaha ayaa ummadda ugu baaqay inau is cafiyaan, gacmahana is qabsadaan, kana shaqeeyaan nabadda ka billaabatay goobo badan oo ka tirsan gobollada dalka Soomaaliya.

Gudomiyaha Barlamanka Soomaliya Maxamed Cusmaan Jawaari oo lahadlay warbahinta ayaa waxa uu dhinaca kale ugu baaqay Al shabab inay joojiyaan daadinta Dhiiga dadka Soomaaliyeed, islamarkaana ay ka qeyb galaan hanaanka dib loogu soo celinayo nabada dalka Soomaaliya.


Add New Comment