Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale ku celineysa in la mamnuucay dhoofinta dhuxusha, iyadoo u hoggaansameysa qaraar ka soo baxay Golaha
Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo lagu boorriyay dowladda inay ka hor tagto
tallaabo kasta oo lagu doonayo in lagu dhoofiyo dhuxusha, maadaama dhoofinta
dhuxusha ay halis ku tahay deegaanka.
Sidaa daraadeed, waxay dowladdu walaac qoto-dheer ka muujinaysaa cid kasta oo
ku xadgudubta qaraarka Golaha Ammaanka ee mamnuucaya dhoofinta dhuxusha, waxayna
qaadi doontaa tallaabooyin ay ku xoojinayso sidii looga hortegi lahaa ku
xadgudubka sharciga mamnuucaya dhoofinta dhuxusha.
Dowladda federaalku waxay mahad ballaaran u jeedinaysaa guushii ay ciidamada
Midowga Afrika ka gaareen gacan ku dhigista magaalada Kismaayo, waxayna sidoo
kale hoggaamiyeyaasha ka soo jeeda magaalada Kismaayo ku boorrineysaa inay
muranka siyaasadeed ee u dhaxeeya iyo danahooda gaarka ah ay ka hor mariyaan
midda guud si loo hubiyo adkeynta ammaanka iyo soo celinta kalsoonida
shacabka.
Dowladda Soomaaliya waxay meel cad ka taagan tahay in dekedda Kismaayo iyo
garoonka diyaaradaha ay yihiin kuwo u furan, dadka Kismaayo, isla markaana
fududeynaya sidii shacabka loo gaarsiin lahaa gargaarka bini’aadannimo, iyadoo
dowladda ay ku boorrinayso ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda inay sii wadaan
howsha ay ku sugayaan ammaanka ilaa iyo inta laga dhisayo maamul kumeel gaar
ah.
Waa mid iska cad in dadka deegaanka ay khaatiyaan ka taagan yihiin
jahawareerka siyaasadeed, hoggaamiye kooxeedyada iyo kuwa mayalka adag, balse ay
u baahan yihiin ammaan, xasilooni, helista waxyaabaha daruuriga ah iyo mustaqbal
wanaagsan, sidaas daraadeed dhuxusha hadda ku xareysan dekedda Kismaayo waxay ku
jiri doonaan meesheeda inta ay dowladdu go’aan ka soo saareyso.
Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an inay u hoggaansanto qaraarka Golaha
Ammaanka ee tiriskiisu uu yahay 2036 waxayna soo jeedinaysaa in la adkeeyo
mamnuucista dhoofinta dhuxusha, waxayna diyaar u tahay inay gurmad u fidiso
dadka magaalada Kismaayo iyadoo qaadeysa tallaabooyin ay isugu dubba-rideyso
sidii gargaar halkaas loo gaarsiin lahaa, isla markaana ay hadda waddo qorshe
markab gargaar sida loogu dirilahaa shacabka Kismaayo.