Madaxweyne Xasan Sheekh oo u kicitimay dalka Turkiga


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gabbal-dhicii u ambabaxay dalka Turkiga, kaddib markii casumaad ka helay madaxweynaha dalkaasi mudane Cabdulla Gul.

Madaxweynayaasha labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga ayaa isu soo horfadhiisan doona arrimo badan oo ay ka wada xaajoon doonaan, kuwaasoo ay ugu horreeyaan sii xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa loona dardat-gelin lahaa mashaariicda horumarineed ee uu dalka Turkigu ka wado Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa kaalinta koowaad kaga jirta gacan siinta dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee la daalan dagaalo sokeeye oo soo jiitamayey in ka badan 20 sano, waxaana haatan magaalada Muqdisho ka jira mashaariic waaweyn oo ay magaalada ka hirgeliyeen iyo kuwo kale oo weli socda.



Add New Comment