Maamulka gobalka Banaadir ayaa ku boorriyey shacabka ku nool gobalka banaadir in ay xil gooni ah iska saaraan bixinta cashuuraha si wadanka uu u gaaro horumar dhinacyo badan leh loogana kaaftoomo baryada shisheeye.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ku boorriyay dadweynaha Soomaaliyeed iney bixiyaan canshuuraha dowlada isagoo intaa ku daray in horumarka Soomaaliya uu ku xiranyahay bixinta canshuuraha loogana kaaftoomi karo baryada shisheeye.
Tarsan oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in wax walboo wanaag iyo horumar ah lagu gaari karo bixinta canshuuraha, isagoo ka digay laaluushka kuna tilmaamay qaran dumis kuwa bixiya laaluushka.
“Ogaada wadanka waxa dhisa ee lagu hagaajiyo waa canshuurta waxaa la rabaa qof kasta mas’uuliyiadiisa inuu qaato ninka booliiska ah inuu mas’uuliyadiisa qaato war tujaartooy laaluush ha dhiibinina ee bixiya canshuuraha’’ Ayuu yiri gudoomiye Tarsan.
Dalkeena Soomaaliya ayaa lagu dhisay canshuurta laga qaado muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo isku duubnida bulshaweynta.