Mudanayaasha Baarlamaanka Oo Mar kale Maanta Su’aallo Weydiiyay Wasiirka Warfaafinta


Fadhiga Baarlamaanka ee maanta oo ay xildhibaanadu ku sii ambaqaadayeen aqrinta labaad hishiiska Xukuumadda ay la gashay shirkadda Favori ee laga leeyahay dalka Turkiga waxaa qeybtiisa hore shir guddoominayay guddoomiyaha golaha Baarlamaanka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen labadiisa ku xigeen.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Porf  Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari  oo ka hadlay furitaanka  fadhiga Baarlamaanka ee Maanta  ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid allaha u naxariistee Wariye Maxamed Maxamuud Timacadde oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho ka dib dhaawac todobaadkii la soo dhaafay ay u geysteen kooxa ma naxayaal ah oo u soo shaqo tagay leynta Wariyayaasha Soomaaliyeed.

Intaasi ka dib Xildhibaanadu waxa ay sii ambaqaadeen su’aallo weydiinta Wasiirka warfaafinta , boostada, isgaarsiinta, iyo gaadiidka mudana C/llaahi Ciilmooge Xirsi, waxaana xildhibaanada qaarkood ay u soo jeediyeen talooyin ku aadan hishiiska shirkadda Favoro iyo waxqabadkeeda.

Wasiirka Warfaafinta,  Boostada,   isgaarsiinta, iyo gaadiidka  Mudane C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya uga jawaabay Su’aalihii ay weydiiyeen iyo talooyinka ay u soo jeediyeen, isagoo sheegay shirkadda Favori in ay bilaabeen howshooda oo si wanaagsan ay ku socoto islamarkaana ay ku qanacsanyihiin muddo koobana wax badan ay ka qaban doonaan dhismaha iyo horumarinta garoonka.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabadala Cawad oo shirka soo xiray ayaa xildhibaanadu waxaa uu ku wargiliyay  tirada xildhibaanada ee is qortay islamarkaana daneynaya in wasiirka ay wax ka weydiiyaan hishiiska Favoro oo badan aawgeed kulanka  maalinta barito ah la isugu soo noqdo sii amba qaaditaanka su’aalaha la weydiinayo Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.


Add New Comment