Weriye Tima-cadde oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho
Waxaa habeenimadii xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allaah ha u naxariistee weriye Maxamed Maxamuud Tima-cadde oo ay 22-kii bishan aynu ku jirno koox dabley ah ku rasaaseeyeen degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Marxuum Tima-cadde ayaa waxa beryihii ugu dambeeyey lagy dabiibayey Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, ayadoona ay xaaladdiisu mararka qaar kasoo reyneysay, hase ahaatee u geeriyooday dhaawacii cuslaa ee soo gaaray.
Marxuumka ayaa waxa uu ka tirsanaa howlwadeennada Telefishinka Universal ee magaalada Muqdisho, waxaana lagu wadaa in maanta lagu aaso isla magaalada.
Maamulka iyo howlwadeennada Shabakadda SilGor waxay tacsi ku aaddan geerida marxuumka u dirayaan dhammaanba bahda saxaafadda, TV Universal, eheladii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday, asagana waxa Allaah uga baryayaan in uu ka waraabiyo Janadii Fardowsa.
Add New Comment
|
|
|