Idaacadda Shabeelle ee ka howlgasha magaalada Muqdisho oo maanta la xiray


Ciidamo isugu jira boliiska iyo ciidamada mileteriga dowladda Soomaaliya ayaa maanta xoog ku galay xarunta Idaacadda Radio Shabeelle ee magaalada Muqdisho, kaddibna Idaacadda hawada ka saaray.

Sababta keentay in ciidamada dowladda ay xoog ku galaan dhismaha Idaacadda Shabeelle ayaa lagu sheegay inay ka dambeysay kaddib markii dowladdu ku wargelisay Idaacadda in ay isaga baxaan dhismaha ay magaalada ka degenaayeen oo ah mid ka mid ah dhismayaasha ay leedahay dowladda, horeyna Idaacadda loogu wargeliyey in ay dhismahaasi uga baxaan muddo 5 maalmood ah.

Maamulka Idaacadda Shabeelle ayaa dhankooda ku doodaya in ay dowladdii hore ee KMG ay heshiis kula galeen dhismahaasi oo ay sheegeen in ay ku maalgeliyeen lacag ka badan 40 kun oo dollar, muddadii heshiiskuna aysan weli dhammaan.

Si kastaba ha ahaatee waxaa maanta ku ekeyd muddadii 5-ta maalmood ahayd ee loo qabtay Shabeelle inay uga guurto dhismahaasi, sidaas daraaddeedna ay ciidamada dowladda xoog ku galeen idaacadda, shaqaalihii ku sugnaana ay halkaasi kaga daadgureeyeen gawaari ay leeyihiin ciidanka boliiska Soomaaliyeed, loona kaxeeyey dhanka xarunta Laanta Dembibaarista ee CID oo ay haatan ku xiran yihiin.

Idaacadda Shabeelle ayaa waxa ay ka mid ahayd idaacadaha sida gaarka ah loo leeyahay ee ka howlgala magaalada Muqdisho iyo weliba idaacadaha ugu codka dheer guud ahaan dalka Soomaaliya.


Add New Comment