Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacbiga
Soomaaliyeed iyo guud ahaanba umadda Muslimiinta ah ee caalamka ku nool ugu
hambalyeeyey Munaasabadda Ciidul Adxa oo guud ahaan caalamka looga dabaal
degayo.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Dalka oo shacbiga Soomaaliyeed
u mariyey fariin uu ugu talagalay Munaasabadda Ciida Warbaahinta Qaranka ayaa
yiri “ dhamaan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka kaga nool yihiin
waxaan leeyahay CIID WANAAGSAN CIID MUBAARAK waxaana Alle ka rjeynayaa inuu
Umadda Soomaaliyeed uu sanadkaan sanadkiisa ku gaaro nabad”
Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa umadda Soomaaliyeed ka codsaday iney
fadliga Ciidul Adxa ay isku cafiyaan oo ay usoo jeestaan aayaha Dalkooda si
hormar loo gaarana ay tahay lagama maarmaan in Umaddu is cafiso.
Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud
ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay hada heystaan fursad qaali ah taasina
loo baahanyahay in laga wada faa’ideysto wadada looga faa’ideysan karana ay
tahay isku duubni.
Madaxweynaha ayaa fariin gaar ah waxa uu u diray waalidiinta Soomaaliyeed oo
uu ka codsaday iney carruurtooda la qalday u caqli celiyaan oo ay kusoo daraan
safka Dowladnimada si ay uga qeyb noqdaan hormarka Dalkooda.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale waxa uu fariin u diray kuwa
weli ku harsan Maleeshiyada kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab oo uu ugu
baaqay iney dadkooda.