Barlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta ka doodi doono miisaaniyadda 3-da bilood


Mudanayaasha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay maanta kulan ku yeeshaan xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay kaga doodi doonaan miisaaniyadda dalka ee 3 bilood ee ka haeratay sanadkan 2012-ka.

Miisaaniyadda lagu wado in ay maanta ka doodaan xildhibaannada Barlamaanka ayaa waxa horey u soo gudbiyay wasaaradda maaliyadda ee dowladda Soomaaliya, taasoo barlamaanka Soomaaliyana uu u xilsaaray guddi kasoo baaraan-dega oo isla maanta soo gudbin doona warbixin arrintaasi ku saabsan.

Shirka Barlamaanka ayaa waxa lagu wadaa inuu shir-guddomin doono guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayadoo sida la sheegayana ay xildhibaannada cusub ee Barlaamnku intooda badani ku sugan yihiin magaalada Muqdisho.


Add New Comment