Duqeymo iyo dagaallo is barbar socda oo xalay ka dhacay Kismaayo


00112Kism.jpgDagaal iyo duqeymo wada socda ayaa habeenimadii xalay gilgilay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kuwaasoo ka dambeeyey markii ay xoogagga Al-Shabaab soo qaadeen weerarro kedis ah.

Sida ay warar laga helay magaalada Kismaayo sheegayaan ayaa waxa habeenimadii xalay magaalada gudaha u soo galay dagaalyahanno la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin xoogagga Xarakatul Shabaab, kuwaasoo weerar gaadmo ah ku ekeeyey goobihii ay magaalada kaga sugnaayeen ciidamada is garabsanaya ee Kenya, kuwa dowladda iyo dagaalyahannada Raaskambooni.

Weerarka kaddib ayaa waxa magaalada mar qura ka qarxay dagaal laysu adeegsaday dhammaan noocyada hubka iyo duqeymo gilgilay magaalada, taasoo argagax gelisay dadweynaha ku dhaqan Kismaayo oo ayagu rumeysnaa in Al-Shabaab laga saaray magaalada.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan qasaaraha ka dhashay dagaalkaas oo ka soo baxay dhinacyada dagaalamay, hase ahaatee waxa lagu soo warramayaa in dagaalkii xalay uu dhaliyey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalyahannadii Al-Shabaab ayaa howlgalkaasi kaddib isaga baxay magaalada, ayadoo aanan la ogeyn halka ay qabteen iyo goobihii ay weerarka kasoo qaadeen toona, laakiin waxaa jira howlgallo ballaaran oo ay saakay magaalada ka wadaan ciidamada is garabsanaya ee AMISOM iyo Soomaalida isugu jira, kuwaasoo magaalada ka  baadi goobaya raggii xalay soo weeraray.


Add New Comment