Madaxweynaha Soomaaliya oo xafiiskiisa kula kulmay wasiirka arrimaha dibedda Talyaaniga


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiska ku qaabilay wafdi ka socda Dowladda Talyaaniga oo uu hogaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaasi Giulio Terzi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga Dowladda Talyaaniga ka socday ayaa waxa ay wada yeesheen kulan qaatay saacado kaasi oo ay uga wada hadleen xiriirka labada wadan iyo sidii loosii xoojin lahaa xiriirkaasi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo markii uu kulankaasi soo idlaaday kadib saxaafadda la hadlay ayaa tilmaamay in kulanka sidoo kale looga wada hadlay sidii ay Dowladda Talyaanigu u xoojin laheyd taageerada ay siineyso Soomaaliya si gaar ahna ay si weyn u taageereyso Dowladda cusub ee Soomaaliya .

Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga Giulio Terzi oo isaguna kulanka kadib dhankiisa Saxaafadda la hadlay ayaa ugu horeyn tilmaamay in Madaxweynaha Soomaaliya uu gudoonsiiyey dhambaal Hambalyo ah oo uu ka waday madaxda dowladda Talyaaniga waxaana uu xusay in Dowladda Talyaanigu ay xoojineyso taageerada ay siineyso Soomaaliya iyadoo si loo xoojiyo xiriirka soo jireenka ee Soomaaliya iyo Talyaaniga lagu go’aamiyey kulanka in wafdi heer sare ah oo ka socda Talyaaniga ay yimaadaan Muqdisho halka sidoo kalena wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya ay dalkaasi Talyaaniga booqasho ku tegi doonaan.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa maanta xafiiska ku qaabilay wafuud ka socota deeq bixiyeyaasha caalamka oo uu kala hadlay sidii ay dalalka deeqaha bixiya u laba jibaari lahaayeen taageeradooda.

Qaabilaadda uu maanta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u sameeyey Wafdiga ka socda Dowladda Talyaaniga ayaa qeyb ka ah kulammo uu Madaxweynaha maalmihii ugu dambeeyey kula qaadanayey magaalada Muqdisho wufuud heer caalami ah oo ka socda dalalka caalamka ee Soomaaliya saaxiibada la ah.

qaabilaadda.jpg


Add New Comment