Kulankii baarlamaanka Soomaaliya uu maanta yeelan lahaa oo baaqday iyo dagaallo xalay ka dhacay Muqdisho


Waxaa maanta baaqday kulan ay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ku yeelan lahaayeen xaruntooda Muqdisho, kaasoo ay codka kalsoonida ugu qaadi lahaayeen ra'iisul wasaaraha uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Kulankan, ayaa baaqashadiisa waxaa lagu sheegay arrin farsamo, waxaana ay inta badan mudanayaashu sheegeen inay farriimo ku saabsan baaqashada kulanka kasoo gaareen guddoonka sare ee baarlamaanka.

"Waxaa baaqday maanta kulankii uu baarlamaanku yeelan lahaa, kaasoo codka loogu qaadi lahaa ra'iisul wasaare Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), gadaal ayaana laga soo sheegi doonaan xilliga uu qabsoomayo," ayuu yiri mudane Ibraahim Xasan Buulle oo ka mid ah xog-hayeyaaha baarlamaanka.

Xildhibaannada baarlamaanka, ayaa ku kala aragti duwanaaday kulan ay Arbacadii ku yeesheen Muqdisho si ay codka kalsoonida ugu qaadaan ra'iisul wasaaraha cusub, kaddib markii ay xildhibaannadu soo kala jeediyeen laba qaab oo codka lagu qaadayo.

Mudanayaal, ayaa soo jeediyay in codka lagu qaado qaab qarsoodi ah, halka kuwo kale ay soo jeediyeen in laga dhigo gacan taag, taasoo sababtay inuu muran xoog leh ka bilowday baarlamaanka lana soo xiro kulanka.

Shirar kala duwan oo ay mudanayaashan kala fikirka duwan ku yeesheen Muqdisho ayay qolo walba ku adkeysatay go'aankeeda, iyagoo wada sheegay inaysan ka horjeedin ra'iisul wasaaraha cusub, balse labada qodob ay ka mid yihiin dastuurka.

Dhanka kale, dagaallo xooggan ayaa xalay ku dhexmaray degmada Boondheere ee waqooyiga Muqdisho ciidammada AMISOM iyo Xarrakatul Shabaab, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha labada dhinac kala gaaray, balse waxaa ku dhaawacmay afar qof oo shacab ah.


Add New Comment