Ra'iisul-wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon
(Saacid) ayaa maanta kulan la qaatay Ururada Bulshada Rayidka iyo ururka
Haweenka Qaranka isagoona sheegay in ay diyaar u yihiin sidii ay wadashaqeyn
buuxda u dhaxmari laheyd.
Kulankan uu maanta Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
kula qaatay xafiiskiisa Ururrada Bulshada Rayidka iyo ururka Haweenka Qaranka
Soomaaliyeed, ayey u jeeddadiisa aheyd sidii ay u soo gudbin lahaayeen
taageerada iyo horumarka ay dowladda la garab taagan yihiin, waxaana kulanka uu
ahaa mid ay dib dibed joog ka aheyd warbaahinta.
Markii uu gabagaboobay kulankaasi ayaa waxaa warbaahinta la hadashay Qadro
Bulsho oo ku haleysay magaca dhammaan ururradii ka qeyb galay kulanka, waxa ayna
sheegtay in qaabiladdii ugu horeysay uu Ra’iisul wasaaruhu siiyay Haweenka
Soomaaliyeed, waxa ay intaa raacisay in iyaga qudhooda ay u gudbiyeen
taageeradooda iyo sidii loo dhammeystiri lahaa xaquuqdooda, isla markaana ay
dalbadeen in Xukuumadda uu soo dhisi doono ay ka helaan 30%.
Sidoo kale lataliyaha dhinaca Warfaafinta ahna afhayeenka dowladda Soomaaliya
Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa warfidiyeennada u sheegay in Haweenkii uu maanta
kulanka la qaatay R/wasaaraha u so gudbiyeen Hambalyo iyo taageero waxa uuna
xusay in R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ay weydiiyeen su’aallo la xiriirra
qorshaha uu ka damacsan yahay dhismaha hay’adaha dowladda iyo sidii loo dardar
galin lahaa baxnaaninta Bulshada Rayidka ah.
Afhayeenka dowladda ayaa hoosta ka xariiiqay in Haweenka ay soo jeediyeen
xuska sannad guurada 40-aad ee markii la qoray Luuqaddeena Hodanka ah ee
Soomaaliga, taasina uu soo dhaweeyey Ra’iisul wasaaraha isla markaana uu ballan
qaaday in la xoojin doono arrintaasi oo manaahijta Waxbarashada ee dalka lagu
kobcin doono.
Waa markii ugu horeysay ee uu kulan la qaato Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”
R/wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya tan iyo markii loo magcaabay wasiirka
koowaad ee dowladda Soomaaliya iyadoo dhawaan la rajeynayo in uu soo dhiso
Xukuumaddiisa dalka ka howlgalli doono afarta sanno ee soo socota.