Ra’iisul Wasaaraha oo Cambaareeyay Beegsiga Howlwadeenada Warbaahinta


CabdiFaaraxShirdoon.jpgRa’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa si kulul u cambaareeyey beegsiga lagu hayo weriyeyaasha ka howlgala warbaahinta kala duwan ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhaawaca ay maanta kooxo hubeysani u geysteen wariye ka howlgala TV-ga Universal, laguna magacaabo Maxamed Maxamuud Timacadde, waxaana uu ku tilmaamay falkan mid ka baxsan bani’aadannimada isagoo caafimaad dag dag ah u rajjeeyay wariyaha la dhaawacay.

Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya Mudane Ridwaan Xaaji Cabdiwali oo saaka booqday dhaawaca wariye Timacade oo la dhigay isbitaalka Madiino oo gurmad caafimaad loogu fidinayay wariyaha ayaa sheegay in falalka noocan oo kale ah ay yihiin kuwo la doonayo in sawir khaldan looga bixiyo amniga ka jira dalka.

Dhanka kale, afhayeenka xukuumada ayaa xusay in kooxaha nabadiidka iyo qaswadayaashu ay mar kasta doonayaan inay aamusiyaan warbaahinta xorta ah ee dalk, dawladduna ay la xisaabtami doonto dhagar-qabayaasha gaysanaya dilalkani.


Add New Comment