Wax lala yaabo ma aha in shaqsiyaad damac waalan ay soo baxaan mar walba oo uu soo dhowaado isbedel ku saabsan siyaasadda Soomaaliya, waana middaas waxa dhaliyey in sumcadda iyo sharafka beesha Silcis Gorgaate maalmahan meel looga dhaco, laguna soo qoro qaar ka mid ah website-yada Soomaalida is jiid-jiid hal dhinac ah oo ay wadaan kuwo horey ugu hungoobay kasbashada kalsoonida beesha.
Haddii aan si gaar ah u abaarno hadalka kasoo yeeray ninka lagu magacaabo "Dr" Cabdicasiis Ibraahim Cusmaan oo ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida ayaa ah wax laga yaqyaqsoodo oo aan mudneyn in si gooni ah loogaga jawaabo.
Waxa kale oo jira in kuwo kale oo qaar ay ka tirsanaan jireen xukuumaddii madaxweyne Cali Mahdi Maxamed oo horey u waayey kalsoonida beesha iyo qaar kale oo ka mid ah qurba joogga, in badanna dibadaha ku maqnaa inay maanta isku dayaan inay dib ugu soo laabgtaan saaxada siyaasadeed ee Soomaaliya ayaga u soo maraaya wadooyin qaldan, beesha Silcis dhexdeedana ka abuuraya dhibaato, kaddib markii ay hadda ka hor isku dayeen inay dhigaan xaflad ay ku sheegeen in beesha loogu duubayo suldaan cusub, xafladdaas oo ay kasoo qayb galeen dad aad u tiro yar oo intooda badan aan beesha u dhalan.
Ujeeddada suldaan duubid ku sheeggaas loo qabtayna waxaa lagu beegay xilli uu Xildhibaan Suldaan Maxamed Aweys Axmed dalka dib ugu soo laabanayey asagoo la socda madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo markaas loo soo doortay madaxweynenimo kaddib markii Sheekh Sharrif iyo Suldaan Maxamed Aweys oo ka wada tirsanaa xoogaggii muqaawamada ay in badan dalka dibedda uga maqnaayeen sababo la xiriiray siyaasadda iyo amaankoodaba.
Suldaan Maxamed Aweys Axmed waa xildhibaan haatan ka tirsan barlamaanka Soomaaliya, wuxuuna ka mid yahay xubnihii kasoo galay ururkii Dib-u-Xoreynta (ARS) ee muqaawamada, ilaa iyo maalintii uu xubinimadaasi ku soo qaatay magaca beesha Silcis ma jirin cid beenisay ama wax ku soo qortay website-yada Soomaalida, wuxuuna in badan ka hadlay idaacado fara badan oo ay ka mid yihiin Radio Muqdisho, VOA iyo BBC asagoo wata magaciisa Suldaanimo, wuxuu in badan ka tirsanaa Golihii Guurtida beelaha Hawiye oo uu xubin uga ahaa asago wata magaca suldaanka beesha, waa nin mutadayin ah, aadna uga dhex muqday dhamaan dadaalladii lagu doonayey in magaalada Muqdisho iyo guud ahaan degaanada Beelweynta Hawiye lagu nabadeeyo.
Haddaba si shakiga ay abuureen kooxahan isa soo bahaystay meesha loogaga saaro ayaa waxa dhowaan magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad lagu ayidayey Suldaanimadiisa, beeshuna ay ku caleema saaratey Ugaas cusub, kaddib markii beeshu isla garatay in ugaaskii hore ee xilkaas muddada soo haayey laga nasiyo howsha, sababo la xiriira da'diisa oo weynaatay awgood, waxaana munaasabaddaasi kasoo qaybgalay dhammaan hoggaanada dhaqanka beelaha Hawiye ee ay beesha Silcis ka dhalatay iyo qaar kale oo fara badan oo ka kale socday beelaha kale ee Soomaaliyeed, sidoo kale waxa munaasabadda ka qayb galay xubno ka tirsan golaha wasiirada Soomaaliya, barlamaanka, Maamulka Gobolka Banaadir, Maxkamadda Sare iyo shaqsiyaad kale oo ka socday Ururada Bulshada Rayidka ah, kuwaasoo qaarkood ka hadlay taariikhda beesha iyo suldaankeedaba.
Waxaa meel ka dhac ku ah madax-dhaqameedka beesha Silcis Gorgaate iyo madax-dhaqameedkii kale ee beelaha Soomaaliyeed ee muujiyey sida ay u taageersan yihiin Suldaan Maxamed Aweys Axmed iyo Ugaas Xuseen Maxamed Da'uud in maanta loogu gafo qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida kulankoodaasi taariikhiga ahna lagu sheego inuu ku saleysnaa been abuur iyo wax aan jirin.