500 ruux oo deeq lacag ah lagu siiyay Hiiraan


Lacag ay iska soo urruuriyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ka soo jeedda gobolka Hiiraan kuna dhaqan dalka dibeddiisa ayaa maanta waxa loo qeybiyay ilaa iyo Shan boqol oo ruux, kuwaasi oo ka mid ah curyaamiinta ku dhaqan gobolkaasi.

Lacagtan ayaa waxaa qeybiyay oo loo igmaday hay’adda Ugaas Khaliif, iyadoo lagu soo hagaajiyay odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan.

Dadka lacagta la siiyay ayaa ruuxiiba helay lacag gaaraysa shan boqol kun oo shillinka Soomaaliga ah, una dhiganta lacag $20 kor u dhaafeysa.

Odayaasha gobolka ayaa lacagtaasi ku sheegay in loogu talagalay dadkaas inay wax uun ku qabsadaan inta aan la gaarin maalmaha dabbaal-dega ee Ciiddul Adxaa.

Nabaddoon Maxamed Cabdi Raaxeey oo ka mid ah odayaashii lacagtaas lagu soo hagaajiyay ayaa sheegay in ay tani qeyb ka tahay isu gargaaridda dadka ku dhaqan gobolka Hiiraan.

Curyaamiinta lacagta loo qeybiyay ayaa ka mahadceliyay deeqdaas maanta loo siiyay.


Add New Comment