Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud
ayaa maanta warqadihiisa aqoonsiga safiirnimo ka gudoomay Safiirka cusub ee ay
Midowga Yurub usoo magacaabeen Soomaaliya Cervone De Urso.
Inta aan warqadaha laga gudoomin ka hor waxaa uu Madaxweyne Xasan Sheekh
Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku qaabilay safiirka Xafiiskiisa ayadoo
Madaxweynaha iyo Safiirkana ay ka wada hadleen xiriirka Soomaaliya iyo Midowga
Yurub iyo sidoo kale taageerada Midowga Yurub ay siin doonaan Dowladda
Soomaaliya.
Markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud warqadihiisa aqoonsiga ka gudoomay
Safiirka cusub ee ay Midowga Yurub usoo magacaabeen Soomaaliya ayaa waxaa
wadajir Saxaafadda ula hadlay Safiirka iyo sii hayaha Wasiirka Wasiirka
Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Mudane C/laahi Xaaji Xuseen sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda
oo ugu horeyn saxaafadda la hadlay ayaa tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay soo
dhaweyneyso safiirka cusub ee ay Midowga Yurub usoo magacaabeen Soomaaliya.
Sidoo kale Cervone De Urso Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo isaguna
saxaafadda la hadlay ayaa xusay inuu aad ugu farax sanyahay in loosoo magacaabo
safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo in sidoo kale uu Madaxweynaha
Soomaaliya ka gudoomo warqadihiisa aqoonsiga.
Mudooyinkii ugu dambeeyey waxaa sii kordhayey safiirrada ay dalalka Caalamka
usoo magacaabayaan Soomaaliya taasi oo qeyb ka ah waxyaabaha ku yimid
isbedellada nabadeed ee ka jira Caasimadda balse Safiirkan uu maanta Madaxweyne
Xasan Sheekh Maxamuud ka gudoomay warqadihiisa aqoonsiga ayaa noqonaya safiirkii
ugu horeeyey ee ay Midowga Yurub usoo magacaabaan Soomaaliya 21sano kadib kaasi
oo isagu si rasmi ah Muqdisho uga howlgala.