Wasiirka arrimaha gudaha iyo wafdi uu horkacayo oo gaaray magaalada Kismaayo


Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa ujeeddada socdaalkooda lagu sheegay in ay la xiriirto kulamo ay magaalada Kismaayo kula yeelan doonaan maamulka KMG ee Jubba si meesha loogaga saaro madmadowga ma kale soo kala dhex galay labada dhinac ee ku saabsan shirka arrimaha Jubba ee xukuumaddu ay ku baaqday in lagu qabto magaalada Muqdisho maalinimada Isniinta ee ay bisha Oktoobar tahay 21-ka.

Wafdiga wasiirka ayaa waxa ka mid ah wasiir ku-xigeenka wasaaradda gaashaandhigga dowladda iyo xubno ka tirsan barlamaanka federaalka Soomaaliya iyo mas'uuliyiin kale.

Dowladda Federaalka iyo hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Mamaxed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa bishii hore heshiis ku kala saxiixday magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, hase ahaatee markii dambe isku afgaran waayey shir ay xukuumaddu sheegtay in uu ka dhici doono magaalada Muqdisho, hase ahaatee uu Axmed Madoobe sheegay in maamulkiisu uusan ka qaybgeli doonin.



Add New Comment