Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuudf iyo wafdi la socda oo gaaray magaalada Beledweyne


Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa gelinkii hore ee maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ay maalmihii u dambeeyey ay saameeyeen roobab iyo fataahaad uu sameeyey webiga Shabeelle.   

Madaxweyne Xasan Sheekh Max’ud iyo Wafdigiisa ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey garoonka dayaaradaha ee Beledweyne, ayadoo markaas kaddibna loo gelbiyey gudaha magaalada halkaasoo uu kulamo kula yeelan doono maamulka gobolka, odayaasha dhaqanka iyo saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan gobolkaasi.    

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa ammaanka magaalada aad u adkeeyey ka hor intii uusan soo gaarin wafdiga madaxweynaha, sidoo kale waxaa ayagana sugidda ammaanka magaalada ka qayb qaadanaya ciidamada dowladda Ethiopia ee halkaasi ku sugan.

Madaxweynaha iyo mas'uuliyiinta la socota ayaa inta ay joogaan magaalada Beledweyne lagu wadaa inay soo kormeeraan dadweynihii ay dhowaantan saameeyey fatahaadihii uu webiga Shabeelle ku soo fatay qaybo badan oo magaalada ka tirsan.



Add New Comment