TACSI - geerida naxdinta leh ee Marxuum Xuseen Maxamed Xasan




                 tacsi arabi.jpg



Waxaa maanta magaalada Muqdisho Degmada Madiina ku geeriyooday Allaah ha u naxariistee Marxuum Xuseen Maxamed Xasan Nuur (XuseenSakuuro)  oo todobaatan  jir (70) ahaa,waxaana geeridiisa la ogeysiinayaa dhammaan eheladiisa oo kala jooga dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba.


 Marxuum Xuseen Maxamed Xasan Nuur (XuseenSakuuro)  waxuu ifka uga tagay caruur fara badan oo isugu jira wax uu dhalay iyo wax ay sii dhaleen oo dhammaantood ku kala sugan gudaha dalka Soomaaliya iyo dibeddiisaba.

Dhammaan xubnaha walaalaha I. SilGor ayagoo ka murugeysan geerida ku timid walaalkood, waxay si gaar ah  tacsi ugu dirayaan Xaaskiisa Madiino iyo carruurtii uu ka tagtay marxuumka ee kala ah : Biibi Xussen, Siyaad Xuseen, Xaliimo Sacdiya Xuseen iyo Cabdulqaadir Xuseen iyo carruurtooda ,sidoo kale waxay tacsi taasi la mid ah u dirayaan  dhammaan  reer aw Maxamed Xasan Nuur.

 Marxuum Xuseen Maxamed Xasan Nuur (XuseenSakuuro) Ilaaheey haka waraabiyo jannadii Fardowsa, dhammaan intii uu ka tagayna sabar iyo iimaan haka siiyo - AAMIIN - AAMIIN - AAMIIN - AAMIIN -

Add New Comment