Gaari nooca BL ah oo Miino kula kacday agagaarka Saldhiga Kaaraan

Gaari nooca  BL ka loo yaqaan ayaa miino kula kacday agagaarka Saldhiga Degmada Kaaraan, waxaana goobtaasi ku dhintay  ilaa saddex ruux oo rayid ah  qaar kalana way ku dhaawacmeen.

War naga soo gaaray  dadka deegaanka ayaa  sheegaya in qaraxaasi  ay ku dhinteen dad kale oo marayay halka qaraxaasi uu ka dhacay, waxaana la ogeyn in qaraxa ahaa kuwa meelaha fog laga hagayay iyo inuu ahaa walxo iskiis u qarxay oo wadada lagu sii diyaariyay.
Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku suganaa  degmada Kaaraan ayaa goobtaasi soo gaaray waxay bilaaween inay wax ka ogaadaan cidda ka mas'uulka ah qaraxa loo gaystay Gaarigan waxay ay baareen agaggarka waddada si ay u hubiyaan inay ka maran yihiin walxaha qarxa .
Qaraxan ayaa ku soo beegmaya xilli maanta  munaasab ka dhacday Xarunta degmada Kaaraan , dadka deegaankana ay xoolo ugu hadiyeeyeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda ee ku howlan nabad gelyada degmadaasi.

Add New Comment