Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini
ayaa tilmaamay in qaadista cunaqabateyna hubka ee saarneyd Soomaaliya ay
muhiimad gaar ah u leedahay howlgalka dalka ka soconayo ee looga xoreynayo
Maleeshiyada Al-Qaeda.
Taliyaha oo saakay ka qeybgalayey barnaamijka Kulanka Jimcaha oo
todobaadkiiba maanta oo kale ka baxa Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka
Soomaaliyeed ayaa xusay in cunaqabateynta hubka oo laga qaado Soomaaliya ay
muhiimad u leedahay howlgalka soconaya iyo dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida
ee Soomaaliya .
Mar uu taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/qaadir
Sheekh Cali Diini howlgalka ka soconaya gudaha dalka ayuu tilmaamay in howlgalku
uu marayo meel wanaagsan islamarkaana dhowaan lasoo afjari doono gebi ahaanba
Maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.
Ugu dambeyntii Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas
C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa
AMISOM waxa uu ugu hambalyeeyey guullaha isdaba jooga ah ee ay kasoo hooynayaan
howlgalka lagu xureynayo maleeshiyada Al-Qaeda.