Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka tacsi tiiraanyo leh u diray dadkii shacabka ahaa ee maanta sida xaq darada ah loogu dilay qaraxii bahalnimo ee ka dhacay magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN,waxaan hor iyo horaan doonayaa inaan halkaan tacsi tiiraanyo leh ugu diro anigoo ku hadlaya magaceyga,magaca gudoonka Baarlamaanka iyo magaca Xildhibaannada Golaha Shacabka dadkii shacabka ahaa ee maanta sida xaqdarada ah loogu dilay magaalada Beledweyn ee gobolka Hiiraan,waxaa dadkaasi ay sababsadeen gacan ka xaqdaran”
Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa Alle uga baryey dadkii goobtaasi ku geeriyooday inuu naxariistiisa jano siiyo,inta dhaawaca ahna uu Alle caafimaad siiyo waxaana uu sidoo kale uu Alle ka baryey in uu samir iyo iimaan ka siiyo dadkii ay ehelladooda goobtaasi ku geeriyoodeen.
Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa fariin gaar ah u diray dadka reer Hiiran waxaana uu yiri “waxaan doonayaa inaan halkaan uga diro fariin Shacabka gobolka Hiiraan waxaanna leeyahay weerarrada argigixisonimo ee noocaan ah ujeedada ka dambeysa waa in la idiinka hor istaago hormarka dhanka dimuqraadiyada ah ee aad ku talaabsaneysaan waxaan idiinku dhiiragelinayaa ineysan ficillada noocaan ah idiin niyad jebin oo aad idinkoo isku duuban cadowgiina meel ugasoo wada jeesataan”