Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa si adag u cambaareeyey weerarkii bahalnimada ahaa ee ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasoo ay ku geeriyoodeen shacab fara badan oo aan waxba galabsan.
“Waxaan halkan tacsi uga dirayaa dhamaan shacabkii Soomaaliyeed ee halkaasi ku geeriyooday, waxaana alle uga baryeynaa inuu geeyo Jannadiisa, intii dhaawaca ahna ille bogsiiyo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo dhanka kale ka hadlay ujeedada qaraxyada noocan ah ay ka leeyihiin kooxaha nabadiidka ee Shabaab.
“Ujeedada ay leeyihiin kuwa qaraxan gaystay waa in ay cabsi galiyaan shacabka Soomaaliyeed ee diyaarka u ah in ay ka tashadaan aayahooda, dadka Soomaaliyeedna marna dib uma laaban doonaan” ayuu si kulul u yiri Ra’iisul Wasaare Saacid.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale waxaa uu xusay in todobaadyadii ugu dambeeyay ay wadeen shacabka, waxgaradka iyo qeybaha bulshada gobolka Hiiraan sidii ay uga tashan lahaayeen aayahooda maamul.
Qaraxa saaka abaara 11:00 barqinnimo ka dhacay goob maqaaxi ah oo ku taala meel ku dhow xarunta maamulka gobolka Hiiraan waxaa fuliyay qof naftii-hallige, waxaana ku geeriyooday in ka badan 10 ruux oo rayid ah.