Qarax xooggan oo ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan


Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax xoogan oo uu fuliyey qof isa soo miidaamiyey uu goor dhow ka dhacay meel maqaaxi ah oo ku dhow xarunta maamulka gobolka.

Sida ay sheegayaan wararka qaraxa oo ahaa mid laga maqlay guud ahaan xaafadaha magaalada ayaa lagu soo waramayaa inuu fuliyey ruux waxybaaha qarxa xirnaa oo isku miidaamiyay meel maqaaxi ah oo ay aad u fariistaan dadka iyo ciidamada.

Maqaaxida ayaa aad ugu dhow Koontarool ay leeyihiin Ciidamada Jabuuti ee ku yaal Xarunta Maamulka Gobolka.

Waxaa la soo sheegayaa inuu jiro qasaare iyo dhimasho, hase ahaatee wali lama haayo tiro rasmi ah, iyadoo qaraxan ismiidaaminta uu yahay kii labaad oo ka dhaca Beledweyn tan iyo markii Al-Shabaab laga saaray December sanadkii 2011.

Qaraxan ayaa ku soo aadaya, iyadoo magaalada ay ka jirto diyaar garow ku saabsan doorashada Maamulka Gobolka Hiiraan, waxaana maalmihii la soo dhaafay ku qul qulayay siyaasiyiin iyo dad ka soo jeeday Gobolka.

Qaraxii ugu xumaa ee magaalada Beledweyn ka dhacay ayaa ahaa 18-kii June sanadkii 2009, xilligaasoo Hotelka Madiina oo uu degenaa Wasiirkii hore ee Amniga lagu qarxiyay, halkaasoo ay ku dhinteen dad ka badan socon ruux.

Add New Comment