Xildhibaanno kasoo jeeda Beesha Dir oo maanta la guddonsiiyay kitaab Quraan ah

                                dir4.JPG


Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay xildhibaanada  beesha Dir,waxuuna uga mahad celiyay Kitaab Quran ah, ka tanaasulka Xilka Wasiirka koowaad ee beeshaasi  u sharaxatay Max’ed C/laahi Oomaar,kadibna waxa uu ka codsaday in ay codka kalsoonida siiyaan Ra’iisul Wasaaraha cusub Maxamed Cabdillaahi Maxamed,kaasi oo lagu wado in Maalinta beri ah uu hortago Xildhibaanada Barlamanka DKMG Soomaaliya si ay u ansixiyaan.

Musharaxii Beesha Dir Mudane  Max’ed C/laahi Oomaar iyo Xildhibaanadii kulankaasi ka soo qeyb galay oo dhan waxay si wadjir ah u aqbaleen codsiga madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana ay sheegeen in ay la shaqeyn doonaan Ra’iisul wasaaraha cusub..

shariif_iyo_xildhibaano 1.jpg

Maalinta Bari ah oo taariiqdu miilaadigu tahay 20-ka bisha Oktobar ayaa lagu wadaa in Ra’iisul wasaare Max’ed Cabdullaahi inuu hortago xubnaha Barlamanka DKMG Soomaaliya si cadka kalsoonida ay u siiyaan.

 Haddii uu helo codka kalsoonida ee Baarlamaanka DKMG ah, Waxaa looga fadhiyaa R/wasaaraha cusub Mudane Farmaajo inuun Soomaalida wax ugu qaybiyo Nidaamka 4.5 oo Mudane Farmaajo horay u saluugay inuu wax ku qaybiyo, hadana ka cudurdaartay markuu ogaaday inuu jabinaayo qodob ka mid ah Dastuurka maanta horyaal.
 
Nidaamka 4.5-ka ayaa ah Xeer Dastuuri ah oo ay xilliyadaan dambe Soomalidu ku qeybsato Awoodaha dhinaca Dowladda taasoo ay muddo dheer kusoo  shaqeynaysay wax natiija haba yaraaee lagama soo gaarin lagumana gaari doono mustaqbalka waa sida ay rumeysan yihiin muwaadiniin faro badan oo Soomaali ah waayo nidaamka 4.5 shacabka soomaaliyeed way ku kala sarreeyaan mana suurtageli karto in lagusoo  dhiso Dowlad  howlwadeenadeedu yihiin dad cilmi  iyo dadnim lagu soo xulay.

Add New Comment