Wadahalladii ONLF iyo dowladda Ethiopia oo burburay


Wadahadallo magaalada Nairobi uga socday jabhadda ONLF ee u dagaalanta xoreynta dhulka Soomaalida Galbeed iyo dowladda Ethiopia ayaa bur-buray kaddib markii Ethiopia ay sii socoshada wadahadalka ku xirtay shuruudo.

Cabdiraxmaan Maxamed Sh. Mahdi oo ah ergeyga ONLF u qaabilsan arirmaha dibedda ayaa VOA u sheegay in wadahadalku u burburay kaddib markii dowladda Ethiopia ay shardi ka dhigtay in jabhaddu aqoonsato dastuurka Ethiopia, taasi oo ay ka biyo-diideen.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Gobolka Ismaamulka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ku eedeeyey dawladda Eritrea inay culays ku saartay garab ka tirsan ururka ONLF inay ka baxaan wadahadallada ka socday Nairobi. Cabdi wuxuu waraysi uu siiyey idaacadda VOA ku sheegay in wadahadalladu ay sii socon karaan oo keliya marka ay jabhaddu aqbasho dastuurka Ethiopia.

Add New Comment