Ra'iisul-wasaarihii hore ee xukuumaddii KMG ahayd ee Soomaaliya Mr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu wareejiyey ra'iisul-wasaaraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon.
Munaasabadda xil-wareejinta ayaa waxa ay ka dhacday xarunta madaxztooyada (Villa Somalia), ayadoo ayna ka qaybgaleen madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Xasan Sheekh Maxamuud, labada ra'iisul-wasaare ee xilka la kala wareegay iyo xubnihii hore ee golihii wasiirrada ee xukuumaddii uu waqtigeedu dhammaaday.
Ra'iisul-wasaarihii hore ee Soomaaliya mudane Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay wax badan ka qabatay xaaladda dalka Soomaaliya, uuna rajeynayo in xukuumadda cusub ay dhammeystiri doonto howlaha harsan.
Mudane Cabdi Faarax Shirdoon oo ah ra'iisul-wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Cabdiweli Gaas howlihii ay qabatay xukuumaddiisa, wuxuuna ballan-qaaday inuu dhammeystiri doono howlihii ay horey u billowday xukuumaddii hore.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isna ka hadlay munaasabadda xil-wareejinta ayaa uga mahadceliyay labada mas’uul sida wanaagsan ee ay xilka ula kala wareegeen, xukuumaddii horena ku amaanay howshii adkeyd ee ay soo qabteen.