Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in ciidamada dalkiisa kaga sugan gudaha dalka Soomaaliya ee qaybta ka ah howgallada ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay sii joogi doonaan Soomaaliya ilaa iyo inta laga helayo xasilooni buuxda.
Madaxweyne Geelle ayaa hadalkan ka jeediyey xaflad ku aaddaneyd munaasabadda Ciidul Adxaa Al-Mubaarak oo ka dhacday madaxtooyada dalkaasi ee magaalada Jabuuti, wuxuuna asaga oo hadalkiis sii wata sheegay in aysan u muuqan sabab ciidamada Jabuuti haatan lagaga soo saaro Soomaaliya, maadaama ay dowr muhiim ah ka qaadanayaan howlaha lagu nabadeynayo dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa intaas raaciyey in hanjabaadaha Al-Shabaab ee ku aaddan dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya aysan wax cabsi ah haba yaraatee gelineynin dalkiisa.
Dowladda Jabuuti ayaa waxa ay qayb ka tahay dalalka Afrika ee ciidamada u soo diray dalka Soomaaliya, waxayna ciidamadu Soomaaliya kaga sugan yihiin magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan iyo degaano ku xeeran, waxaana ciidamadaasi reer Jabuuti dadka gobolka Hiiraan ugu yeeraan Ciidamada Hiil Walaal, maadaama ay Jabuuti uu xiriir walaaltinimo kala dhexeeyo dalka Soomaaliya.