Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo la wareegay deegaanka Leego


Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa gaaray deegaanka Leego ee gobolka Shabeellada Hoose, kadib markii ay duulaan ka qaadeen Saldhiggii ciidamada cirka Soomaaliyeed  ee Ballidoogle ee isla gobolkaas.

Ciidamada gaaray Leego oo ah deegaan muhiim ah oo ay dad badan ku nool yihiin ayaan kala kulmin wax iska caabin ah oo kaga yimid xoogaggii  Al-Shabaab ee hore deegaankaasi ugu arrimin jiray.

Wararka ka imanaya deegaanka Leego ayaa intaa ku daraya in ciidamadan ay fariisimo ka sameysteen halka laga soo galo iyo halka laga baxo magaalada oo ah wadada laamiga ah ee isku xirta magaalada Muqdisho iyo magaalada Baydhabo.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ayaa qorshahoodu yahay sidii ay u gaari lahaayeen magaalada Baydhabo halkaa oo ay ku sugan yihiin qaar kamid ah ciidamada AMISOM iyo ciidamo Ethiopian isla markaana dowlada ay uga talin lahayd wadada dheer ee isku xirta magaaloyinka Muqdisho iyo Baydhabo.


Add New Comment