Mas'uuliyiin ka kala socotay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo Shirkadda Xawaaladda Dahabshiil ayaa maanta dhagax dhigay mashruuc lagu dayactiri doono dhismihii Cusbitaalkii dhimirka ee Laansareeti ee magaalada Muqdisho.
Munaasibaddani lagu dhagax dhigayay Qaybta Dhimirka ee Isbitaalka
Laansaleyti, waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka socotay wasaaradda
Caafimaadka Soomaaliya, mas’uuliyiinta Shirkadda Dahab Shiil oo ah
maalgaliyaasha dhismaha Isbitaalka, saraakiil ka kala socotay maamulka gobolka
Banaadir iyo degmada C/casiis, Ururrada Bulshada qaarkooda Dhaqaatiir iyo marti
kale.
Furitaanka Munaasibadda waxaa khudbado ka jeediyey mas’uuliyiin ka tirsan
maamulka Isbitaalka laansaleyti, waxeyna si weyn u soo dhaweeyeen in dib loo
howlgalliyo qeybta Dhimirka ee Isbitaalkaasi isla markaana ay wax badan ka tari
doonto dadka qaba Cudurka Dhimirka.
Sidoo kale waxaa madasha hadal ka jeediyey maamulaha Shirkadda Dahab shiil
qeybta gobolka Banaadir C/llaahi Nuur Owdiinle, waxa uuna tilmaamay in aysan
aheyn markii ugu horeysay ee ay sidan oo kale ay gacan uga geysato xarunta
waxtar u leh shacabka Soomaaliyeed, isagoo intaa raaciyey in ay sii wadi doonaan
taageerada noocaani oo kale ah, maadaama ay masuuliyad saran tahay.
Agaasimaha guud caafimaadka Ducaale Aadan ayaa sheegay in Isbitaalka uu
yahay mid waqti dheer shaqeynayey, haddana ay qorsheynayaan sidii loo soo
nooleyn lahaa oo ay wasaaradda oo kaashaneysa ganacsatada ay dib u dhis ku
sameeyaan.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga C/kariin Gabeyre ayaa ugu yeeray Ganacsatada
Soomaaliyeed in ay si wadajir ah uga qeyb qaataan dib u howlgalinta xarumaha
adeegga Bulshada, maadaama ay yihiin kuwa u dhexeeye umadda oo dhan.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ahaan masuuliyiinta ka soo qeyb
gashay munaasibadda Dhagax dhiga ayaa arrin farxad leh ku tilmaamay in
Ganacsatada Soomaaliyeed ay doorkooda qaataan, isagoo si gaar ah u xusay
shirkadda Dahab shiil.
Ugu dambeyntii Dr Xabeeb Cali oo ah u qeybsanaha wasaaradda caafimaadka
Dhimirka ayaa ka codsay ganacsatada Soomaaliyeed in gacan weyn laga geysto sidii
tababar loogu sameyn lahaa shaqaalaha ka howlgalli doono qeybta Dhimirka ee
Isbitaalka.
Isbitaalka waxa uu ka mid yahay isbitaallada ugu waa weyn dalka ee ku bur
burray dagaallada dalka soo maray, waxaana si gaarka ah loogu xasuustaa in lagu
dabiibi jiray dadka qaba cudurka Dhimirka, waxaana hadda rajo wanaagsan laga
qabaa in dib loo soo nooleeyo adeegyadii uu Isbitaalkaasi u hayey shacabka
Soomaaliyeed.